Ku dhawaan 60 ruux oo cudurka shuban biyoodka ugu geeriyootay gobolka Baay
Sabti, Maarso, 04, 2017 (HOL) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo
ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in ku dhawaan 60 ruux halkaa ugu
geeriyoodeen cudurka shuban biyoodka deegaano hoostaga degmada.
Dadka ku geeriyooday cudurka
shubanka ayaa isugu jira carruur iyo dad waa weyn, waxaana jira dad fara badan
oo aad u liita, kuwaasoo goobo caafimaad la dhigay.
Guddoomiyaha arrimaha bulshada ee
deegaanka Ow-diinle C/llaahi Cumar Maxamed ayaa sheegay in dadka u dhintay
cudurka shuban biyoodka ay gaarayaan illaa 6o ruux.
Waxaa uu sheegay in in ka badan 60
kale ay la il daran tahay, waxaa uu ku baaqay in gar gaar deg deg ah lala soo
gaaro dadka uu soo ritay cudurkan.
Isbitaallada iyo goobaha caafimaadka
oo u hagaagsaneyn sidii loo bahnaa ayaa la tacaalaya caafimaadka dadka uu
cudurkan soo ridanayo.
Ugu danbeyntii, deegaanada abaaraha
ka jirta waxaa laga soo sheegayaa cudurka shuban biyoodka oo ka dilaacay,
waxaana jira in meelaha qaar inaan la gaarsiin gargaar daawo leh, taas oo
keentay in dad badan u geeriyoodaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]