IOM oo ku baaqday in dhaqse wax looga qabto abaarta ka jirta geeska Africa
Sabti, Maarso, 04, 2017 (HOL) – Hay’adda caalamiga ah ee socdaalka (IOM) ayaa
dalbaday 24.6 milyan oo doolar-ka Maraykanka ah si wax looga qabto
abaaraha sii fidaaya geeska Africa gaar ahaan Soomaaliya.
Stephane Dujarric, ayaa sheegay in
loo baahan yahay boqolaal milyan oo dollar in la helo si wax looga qabto
Abaaraha ka jira Geeska Afrika.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo
baahan yahay in aan indhaha laga qarsan dhacdooyinka xanuunka badan ee ka
dhacaya Soomaaliya ee ay sababeen abaaraha.
” Lacagtaan hadda uu dalbaday IOM
waxaa loogu tala galay in wax looga qabto abaaraha iyo sidoo kale nafaqa darada
ka jirta Soomaaliya, waxa loo baahan yahay in si deg deg ah sare loogu qaado
gurmadka, dad badan ayaa qarka u saaran in ay u dhintaan Abaaraha” ayuu
yiri Stephane Dujarric.
Waxaa sii xogeysanaya qeylodhaanta
ka soo baxeysa caalamka intiisa kale iyo hay’addaha banni’aadnimada ka shaqeeya
oo ku baaqa in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabto abaarta ka jirta dalka
Soomaaliya oo aad uga sii dareysa.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]