4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 4 , 2017
Wasiirka amniga Puntland oo amray in la toogto maxaabiista dilka ku xukuman

 Sabti, Maarso, 04, 2017 (HOL) – Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa soo jeediyay in si deg deg ah loo toogto maxaabiista dilalka ku xukuman ee ku jira Xabsiyada Puntland.

Wasiirka amniga oo la hadlayay warbaahinta gudaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in wali xabsiyad Puntland ku jiray rag ka tirsan Al-Shabaab oo horay xukuno lagu riday.

“Wixii xabsiyada ku jira ee horay loo xukumay waa in la laayo, ayagana waa na leynayaan sow mahan, kuwa inoo xiran ee raashinka naga dhameeya, ee muddo sanad ayaa bariis siineynaa, kuwaas dad xukuman waaye, maxaa u sii heysaneynaa”ayuu yiri Wasiirka Amniga Puntland.

Wasiirka ayaa intaa ku darray in sanadkii la soo dhaafay boqolaal ruux oo ka tirsan Al-Shabaab lagu soo qabtay deegaanada Garmaal iyo Garacad, kuwaasoo uu xusay in loo baahan yahay Maxkamadda sare ee Puntland in go’aan ka qaadato.

Puntland ayaa horay xukuno dil ku riday dhalinyaro badan oo lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, waxaana horay dilal ugu fulisay dhalinyaro badan oo ay sheegtay inay qeyb ka ahaayeen dilalka qorsheysan ee deegaanadeeda ka dhaca.

Ugu danbeyntii, hay’adda xuquuqul insaanka ayaa ugu baaqay Puntland in aysan ku deg degin xukunada dilka ah, iyadoo bishii la soo dhaafay 7 dhalinyaro xukun dil ah ku ridday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]