4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 4 , 2017
Deeqbixiyayaasha oo isku raacay in la taageero ciidamada AMISOM

 Sabti, Maarso, 04, 2017 (HOL) - Deeqbixiyeyaasha caalamka  ayaa ballanqaaday in ay sii wadaayaan taageerada ciidamada howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) si loo dejiyo Soomaaliya  loogana hortago weerarro argagixisada.

War qoraal ah oo ka soo baxay howlgalka ayaa lagu sheegay in deeqbixiyeyaasha caalamka ay balan qaadeen in ay kordhinayaan taageerada ay siiyaan ciidamada AMISOM si ay u soo celiyaan nabadii iyo sidoo kale horumarki lagu aqoon jiray Soomaaliya.

Francisco Madeira, ergeyga gaarka ah ee guddoomiyaha komishanka midowga Africa ee Soomaaliya, ayaa sheegay in AMISOM ay ku guuldareysatay in samatabbixinta qaar ka mid ah ujeedooyinka loo Aasaasay waxaana uu sheegay in ay sababta tahay dhaqaallo daro haysata ciidamada AMISOM.

“Ciidamada AMISOM waxaa caqabad ku ah helid la’aanta maalgelin wanaagsan , waxaana AMISOM hadda ay la kulmeysa dhibaatooyin ka dhanka dhaqaalaha ah” ayuu yiri Francisco Madeira.

Waxa uu ugu baaqay beesha caalamka inay sii wadaan taageerada howlgalka.

Qaar ka mid ah Madaxda deeqbixiyeyaasha caalamka ayaa ammaan ballaaran u soo jeediyay ciidamada AMISOM oo ay sheegeen in ay wax badan ay ka qabteen ammaanka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan mashaariicda iyo sidoo kale maalgelinta Ciidamada AMISOM.

Ugu danbeyntii, 10 Sano ayay joogaan Soomaaliya ciidanka AMISOM waxaana lagu eedeeyaa in aysan wax badan ka qaban shaqooyinkii loo igmaday.  

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]