4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 4 , 2017
Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisal wasaaraha oo la magacaabay

 Sabti, Maarso, 04, 2017 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha cusub ee xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa qaaday tallaabadii ugu horeysay ee isugu jirta xil ka qaadis iyo magacaabis, iyadoo xilka uu ka qaaday Xoghayihii Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha C/salaam Salwe.

Wareegto ka soo baxday ra’iisul wasaaraha ayaa lagu magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Xafiiskiisa, waxaana xilkan loo magacaabay Maxamed Keynaan oo horay u ahaa Afhayeenkii Guddiga doorashada heer federal.

C/salaam Salwe oo xilkan horay u hayauy, isla markaana uu u magacaabay Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar C/rashiid ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo xil ka qaadista, iyo ninka loo magacaabay xilkan.

Mr Keynaan ayaa horay la Taliye u ahaa madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa la sheegay in isaga iyo ra’iisul wasaaraha ay saaxib dhow yihiin.

Madaxda Soomaalida ayaa caado u ah marka ay xilalka la wareegaan inay durbaba magacaabaan xubnaha la shaqeynaya ama howl wadeenada xafiiskooda.

Ugu danbeyntii, xilkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ra’iisul Wasaare Kheyre magacaabo, maalin kaddib markii uu codka kalsoonida ka helay Baarlamaanka, xafiiskana kala wareegay ra’iisul wasaarihii ka horeeyay Cumar C/rashiid. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]