4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2017
Gaari xamuul ah oo lagu raaseeyay duleedka Magaaladda Jowhar

 

Jimco, Maarso,31, 2017 (HOL) –Koox hubeysan ayaa  duleedka magaaladda Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh.Dhexe, ku rasaaseeyay gaari, la sheegay in ay la socdeen dad rayid ah.

Gaariga ayaa marayay Degaanka Garsaale oo qiyaastii 5Km u jira Magaaladda Jowhar.

Lama oga khasaaraha ka dhashay rasaasta, waxaana gaariga uu ahaa nooca xamuulka qaada.

Masuuliyiinta maamulka Hirshabeelle wali kama hadlin tacshiirada.

Kooxdii rasaasta furtay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in loo maleynayo in ay ahaayeen koox dooneysay in ay baarato gaariga Xamuulka ah.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco:

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia