4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2017
Ciidanka Kenya oo xiray nin xiriir la leh Daacish iyo Al Shabaab

 

Jimco, Maarso,31, 2017 (HOL) –Ciidanka dowladda Kenya, ayaa deegaanka Malindi ku qabtay saddex ruux, oo ay sheegeen in si weyn loo baadi gobaayay.

Saddex qof ee ay ciidanka xireen ayaa waxaa ku jiray, nin la yiraahdo Cali Xuseen Cali, oo la sheegay in uu ku lug lahaa weeraro ka dhacay dalka Kenya iyo in uu dhaqaale ku taageeray kooxaha Argagixisada.

Sidoo kale waxaa saraakiisha ciidanka ay sheegeen, in Cali uu xiriir la leeyahay Al Shabaab iyo Daacish, isagoona dhinaca kale xiriir aad u dhow la leh Magafayaasha dalka Liibiya ku sugan.

 Joseph Boinnet taliyaha guud ee ciidanka Booliska dalka Kenya, ayaa sheegay in eedeysanaha la qabtay 27 bishaan March, iyadoona lala qabtay Ibraahim Abasheikh Muqtaar iyo Cabdi Maxamed Yuusuf, oo lagu naaneyso Dader, kuwaasoo madaxooda ay dul saarnaayeen Sh2 million oo abaalmari ah.

Joseph, ayaa sheegay in Ali uu ku dhashay dalka Soomaaliya, kenyana uu galay sanadkii 2010, kadibna uu aaday dalalka Koonfur Africa, Sudan iyo Liibiya, kadibna ku biiray kooxda Daacish.


Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia