4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2017
Faafaahin: Qarax ka dhacay Suuqa Bakaaraha

 

Jimco, Maarso,31, 2017 (HOL) –Koox hubeysan ayaa bam-gacmeed ku weeraray, Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, oo ku sugnaa Suuqa Barakaaraha ee Magaaladda Muqdishu, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dad rayid ah uu khasaare kasoo gaaray Qaraxa.

Ciidanka dowladda ayaa howlgallo ka wada gudaha suuqa, waxaana la sheegayaa in ay jiraan dad loosoo qab-qabtay weerarka.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka.

Maalmihii lasoo dhaafay, waxaa jiray weeraro loo adeegsanayay bombaanooyin oo lagu qaadayay ciidamadda iyo guryaha masuuliyiinta dowladda.

Suuqa Bakaaraha, waaa suuqa ganacsi ee ugu weyn ee Soomaaliya.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia