4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2017
Ra’iisal wasaaraha oo ka dalbaday wasiirada in ay soo saxiixaan document ku cad Hantidooda gaarka ah

 

Jimco, Maarso,31, 2017 (HOL) –Kullankii shalay ay yeesheen golaha wasiiradda xukuumadda cusub, ayaa waxaa looga hadlay, qodobo ay ka mid yihiin, in wasiiradda ay soo buuxiyaan domcumenti ay ku qoranyihiin anshaxa, aaminaada iyo in ay soo saxiixaan Hantidooda gaarka ah iyo arrimaha gar-gaarka.

“Ra’iisal wasaaraha ayaa ka dalbaday, golaha wasiiradda cusub in ay soo saxiixaan documentiyo ku cad hantidooda gaarka ah, si hadhoow isla xisaabtan uu u yimaad”, sidaasi waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Injineer C/raxmaan Cumar Yariisoow.

Sidoo kale, ra’iisal wasaaraha ayaa ku dheeraaday dhismaha wasaaradda gargaarka, wuxuuna xusay in xukuumadu muhiimad gaar ah siisay taakuleynta shacabka, isaga oo faray hay’addaha caalamiga, kuwa gudaha, hay’addaha dowliga, iyo dhamaamba shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan Wasaaradan, si loo gaarsiiyo shacabka abaaruhu aafeeyeen gurmadka ay u baahan yihiin.

Xukuumadihii dalka soo maray, ma sameyn talaabo lagu ogaanayay wasiiradda Hantidooda gaarka ah, ka hor inta aan wasiir loo magacaabin, balse xukuumadda Xasan Cali, ayaa waxaa ay dadka ku amaanayaan talaabada isla-xisaabtanka ah ee ay dooneyso in ay qaado.

Golaha wasiirada ee xukuumada Soomaaliya ayaa shalay oo Khamiis aheyd, yeeshay kulankoodii ugu horeeyey kadib ansixintii Baarlamaanka ee 29 Maarso 2017.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia