4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2017
Ra’iisal wasaaraha oo sheegay in wasiirka amniga uu la yimaado qorshe amniga wax looga qabanayo

 

Jimco, Maarso,31, 2017 (HOL) –Golaha wasiirada ee xukuumada Soomaaliya ayaa shalay oo Khamiis aheyd, yeeshay kullankoodii ugu horeeyey, kadib ansixintii Baarlamaanka ee 29 Maarso 2017.

Kullanka  waxaa guddoominayay ra’iisal wasaaraha xukuumada Xassan Cali Kheyre, waxaana ugu horeyn looga hadlay ajande ka kooban soo dhoweyn, nidaamka iyo xeerararka shirarka Golaha, diyaarinta xil la wareegida wasiirada cusub, qorshaha xukuumadu ku shaqeyn doonto, arrimaha amniga iyo abaaraha.

Kullanka kadib, ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Injineer C/raxmaan Cumar Yariisoow, waxaana uu sheegay in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu ka dalbaday Wasiirka Amniga in uu la yimaado qorshe wax looga qabanayo amaanka dalka.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Golaha Wasiirada ku booriyay in awooda la isugu geeyo sugida amniga iyo xasilinta dalka, wuxuuna carabka ku adkeeyey in loo baahan yahay in la dejiyo Istaraatiijiyad Heer Qaran ah oo lagu hubinayo shaqada iyo Hufnaanta hay’addaha Amniga. 

Waxaa uu dhinaca kale uu sheegay in Xukuumaddiisa ay diirada u saaran tahay wax ka qabashada amniga oo u muuqday muddooyinkii dambe mid faraha ka sii baxayay.

Ammaanka Magaaladda Muqdishu, ayaa bilihii lasoo dhaafay, waxaa uu ahaa mid aad loo hadal hayay.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia