4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 31, 2017
Al Shabaab oo gaari iyo dadkii saarnaa kasoo afduubtay dalka Kenya

 

Jimco, Maarso,31, 2017 (HOL) –Dagaalyahanada Xarakada Al Shabaab ayaa gaari iyo dadkii saarnaa kasoo afduubtay Xadka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Gaariga ayaa la sheegay in ay saarnaayeen laba ruux oo kenyaan ah, sida uu sheegay Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, Sahal Macalin Maxamuud.

Dadka deegaanka iyo maamulka ayaa sheegay in kooxda Al Shabaab ay weerarka kasoo qaadeen, Degmada Ceelwaaq ee Dalka Kenya.

Ma jirto war kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadan gaariga ay soo afduubteen.

Waalidiinta muwaadiniinta keenyaanka ee la afduubtay, ayaa dowladda ka dalbaday in ay soo badbaadiyaan dadka ay Al Shabaab kaxeysteen. 

Ciidamada dowladda Kenya, ayaa wada howgallo xoogan, waxaana la ogeyn halka ay la aadeen gaariga iyo dadkii saarnaa.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia