4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 31, 2017
Maamulka magaaladda Gaalkacyo oo sheegay in la furi dooni wadooyinka magaaladda

 

Jimco, Maarso,31, 2017 (HOL) –Guddoomiyaha Magaaladda Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug Xirsi Yuusuf Barre, ayaa sheegay in dib loo furaayo dhamaan wadooyinka dhex mara magaaladda Gaalkacyo.

Gudoomiyaha ayaa sheegay, in ciidamo labada dhinac ah ay ku sugan yihiin wadooyinka xiran, balse hada ay wadaan sidii Ciidamadaasi halkaa looga kaxeyn lahaa.

Maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaa dhawaan wada gaaray heshiis guntiisa ay tahay nabada magaaladda Gaalkacyo, waxaana uu dhinaca kale uu shacabka ugu baaqay in ay nabada ka shaqeeyaan.

Wadooyinka Magaalada Gaalkacyo ayaa ku xirmay Dagaalo dhexmaray Ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu,Somalia