Daadad 246 qof ku dilay dalka Zimbabwe
Jimco, Maarso, 03, 2017(HOL) – Daadad ayaa koonfurta galbeed ee dalka Zimbabwe ku dilay 246 qof, islamarkaana guryo la’aan
dhigay laba kun oo qof oo kale, tan iyo bishii December ee sanadkii tagay.
Dowladda lacag la’aanta ay hayso ee
dalkaasi ayaa ka codsaneysa beesha caalamka inay gargaar lasoo gaarto, si
kaalmo ay uga geystaan wax ka qabashada khasaaraha ay sababeen daadadkan.
Saraakiisha dalkaas ayaa sheegay in
waddooyin iyo buundooyin ay xaaqeen daadadka, taasi oo xaafado qaar ka goysay
xaafadaha kale ee ku dhow.
Zimbabwe ayaa waxa ay billaabeysay
inay kasoo baxdo laba xilli oo abaaro xooggan ah, waxaana hadda daligii beeraha
burburiyey daadkii ku dhuftay.
Hay’adda QM ee UNICEF ayaa sheegtay
sanadkii tagay in Zimbabwe ay wajaheysay heerkii ugu xumaa ee macluusha
caruurta ee ay aragto muddo 15 sano ah.
Xigasho
VOA
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]