4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 3 , 2017
Al shabaab oo dilay nin ay ku eedeyeen in uu ka tirsanaa Sirdoonka Soomaaliya

Jimco, Marso, 03, 2017(HOL) – Al shabaab ayaa fagaare ku yaalla Deegaanka Labatan Jirow ee gobolka Bay, ku dilay nin lagu magacaabijiray, Ibraahim Aadan Qaasim, oo 37-jir ah.

Marxuumka la dilay ayaa Alshabaab waxaa ay ku eedeeyen in uu ka tirsanaa Ciidamadda Nabad-Sugida Maamulka Koonfur Galbeed.

Ma jirto war kasoo baxay taliska ciidanka koonfur-galbeed.

Al shabaab ayaa waxaa la fahansanyahay in ay xabsiyadooda ay ku jiraan, maxaabiis badan oo ku eedeysan dambiyo kala duwan.

Wariyaasha deegaanka, ayaa Hiiraan Online u sheegay, in ciidamada dowladda Soomaaliya ay wadaan dhaq-dhaqaaq xooggan oo ay damacsanyihiin in ay kula wareegaan deegaanadda Al Shabaab ay ka joogaan gobolka Baay.

Hassan Istiila

[email protected]