4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 3 , 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre’’ Gollaha wasiirada aan soo dhisi doono waa kuwo ka tarjumaya rabitaanka shacabka

 Jimco, Maarso, 03, 2017(HOL) – Ra’iisal wasaaraha dhawaan helay codka kalsoonida baarlamaanka federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo wareysi siinayay laanta VOA ayaa sheegay in ay soo dhisi doonaan golle wasiiro ka tartumaya sida uu hadalka u dhigay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in xukuumada cusub ee soo socta sidoo kale lagu saleyn doono rabitaanka baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

‘’Aniga iyo madaxweynaha waxaan balanqaadeynaa in aan soo dhisno xukuumad awood u leh in ay ka sii anbaqaado dalka xiligan meesha uu taagan yahay’’ ayuu yiri ra’iisal wasaaraha.

Mar wax laga weydiiyay saameynta baarlamaanka uu ku yeelanayo golaha wasiirada cusub ee dhawaan la filayo in la magacaabo ayuu sheegay ra’iisal wasaaraha in mar walba ay jiri doonto doonto wada shaqeyn iyo xiriir ka dhaxeynaya xukuumada iyo baarlamaanka.

‘’Wada tashi ayaan ku jirnaa, waxa aan ka fikireyno waa in la helo dowlad ama xukuumad u adeegi karta shacabka Soomaaliyeed, xilalka lama wada helayo oo qof walba lama qancin karo, laakiin waxaan rajeyneynaa in dhinacyada oo dhan aan kula shaqeyno niyad wanaag iyo wada tashi’’ayuu yiri ra’iisal wasaaraha.

Mar uu soo hadal qaaday arimaha nabad-galyada iyo sida ay u wajahayaan ayuu sheegay ra’iisal wasaaraha in muhiimad gaar ah xukuumadiisu siin doonto nabad-galyada guud ahaan dalka, isaga oo sheegay in amniga lagu sugi karo oo kaliya wada shaqeyn dhaxmarta dowladda iyo shacabka.

‘’Dowladda waxaa ay  ka shaqeyn doontaa in ciidamada la xoojiiyo, xuquuqdooda la siiyo, qalabka ay u baahanyihiinna loo helo, sidaa ayaana amniga lagu wajahayaa ayuu yiri’’ ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.

Ugu danbeyntii, ra’iisal wasaaraha ayaa ugu baaqay dhalinyarada ka tirsan Al-shabaab in ay isaga soo haraan kuna soo biiraan hanaanka dowladnimo ee dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]