Alla ha u naxariistee waxa magaaladda Hargeysa lagu aasay Fanaan Maxamed Faarax Xirsi
Jimco,
Maarso, 03, 2017(HOL) – Alla ha u naxariistee
Fanaankii weynaa ee Maxamed Faarax Xirsi ayaa shalay aas qaran loogu
sameeyey magaaladda Hargeysa, ka dib markii uu xanuun muddo hayey u
geeriyooday.
Marxuum Maxamed Faarax
Xirsi wuxuu ahaa shakhsi dhinacyo badan ka buuxin jiray kaalinta fanka, waxaanu
iskugu jiray Abwaan, Fanaan iyo Mulaxamiist, waxaana la sheegay inuuo ahaa
dadkii fanka Hargeysa ka bilaabay wuxuu caan ku ahaa heeso ay ka mid
ahaayeen Uur jacayl galaa Aa, Madaayee oo uu Abwaan Boon Xirsi sameeyey, waxa
kale oo uu laxanka sameeyey heeso badan oo ay ka mid tahay heeso ay qaado Sahra
Axmed Jaamac.
Fanaan Maxamed Faarax
Xirsi alla ha u naxariistee wuxuu lahaa heeso badan oo uu ku luuqeeyo,
kuwo uu laxanka u sameyey iyo Riwaayaddo uu ka qaybgalay, waxaanu ka mid ahaa
fanaaniinta dal jooga ahaa ee aan ka bixin wadanka illaa burburkii.
Sidoo kale, Fanaan
Maxamed Faraax uu uu qabay fanaanadda caanka ah ee Ikraan Jaamac oo ay isku
leeyihiin laba wiil iyo afar hablood.
Marxuum Maxamed Faarax
Xirsi waxa aaskiisa ka qaybgallay wasiirka Xanaanadda xoolaha C/laahi Cukuse,
abwaano, fanaaniin iyo dadweyne kale, kuwaas oo marxuumka ilaahay u baryey inuu
janaddii fardawsa ka waraabiyo.
“Fanaanka waxaan
bartay dhawr iyo toddobaadkii wuxuu ka mid ahaa fanaaniintii ku soobaxday
heesaha hirgalay oo uu kaalinta kowaad galay, waxa uu markii dambana noqday
macalin fanaaniinta yaryar tobabaro, wuxuu ahaa nin xishood badan, edeb badan
iyo akhlaaq badan oo aamusan”ayuu yidhi Cukuse oo ka hadlayey taariikhda
Fanaanka.
“shaqadiisu waxay
ahayd heesa iyo laxamista, waxaanu ahaa raga xaga laxanka ku xeesha dheer, nin
akhlaaq badan buu ahaa oo af gaaaban”ayuu yidhi dhamaantood isku raaceen
abwaanaddii iyo fanaaniintii aaska ka qaybgashay.
Ilaahay waxaan u
baryeynaa inuu janaddii fardawsa ka waraabiyo, ehelkiisa iyo qaraabadiisa iyo
umada Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.