Ahmed Kathrada, oo mudo dheer ay xabsi soo wada qaateen Mandela oo geeriyooday
Talaado,
Maarso, 28, 2017 (HOL) - Magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur
Afrika waxa ku geeriyooday Ahmed Kathrada oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii u soo
halgamay in dalka laga saaro xukunkii midab takoorka.
Waxa uu xiriir dhow la lahaa madaxweynihii hore
ee dalkaasi Nelson Mandela, kaasi oo ay muddo 18 sano ah ku wada xirnayeen
xabsiga Robben Island.
Markii xabsiga laga sii daayay, waxa uu ka mid
noqday golaha fulinta ee xisbiga African National Congress, waxaana loo
magacaabay in uu noqdo la taliyaha dhinaca siyaasadda ee Mandela.
Waxa uu ka fariistay baarlamaanka sanadkii 1999,
balse weli wuxuu si firfircoon uga dhex muuqday siyaasadda. Dhawaan waxa uu
cambaareeyey dadkii doonayey in uu is casilo madaxweyne Jacob Zuma.
TAARIIKH NOLOLEEDKIISII OO KOOBAN
Waxa loogu yeeray jiray magaca Kathy. Axmed
Kathrada waxa uu ahaa shaqsi ay aad isugu dhawaayeen madaxweynihii hore, Nelson
Mandela. Sidoo kale waxa uu ahaa shaqsi u ololeeyn jiray xuquuqda aadanaha.
Si la mid ah Mandela, 27 sano ayuu ku qaatay
xabsi, waxaana loo xiray halgankii ay ugu jireen in ay meesha ka saaraan
xukunkii ay hormuudka ka ahaayeen dadkii caddaanka ahaa ee tirada yaraa.
Waxa la xukumay 1963-kii, ka dib dacwo caan
noqotay oo loo baxshay maxkamadeyntii Rivonia. Waxa uu ku dhashay gobolka
waqooyiga galbeed oo la oran jiray Transvaal.
Markii uu 12 jirsaday waxa uu ku biiray oo xubin
ka noqday dalladii da'yarta ay ku midowday ee Young Communist League, ka dibna
waxa uu ku biiray xisbi la oran jiray Transvaal Indian Congress.
Waxa uu qaatay shahaadadiisii kowaad ee
jaamacadda intii uu ku xirnaa xabsiyada Robben Island iyo Pollsmoor, waxaana uu
bartay culuumta taariikhda, siyaasadda Afrika iyo takhasuska dambi baarista.
Hase yeeshee maamulkii midab takoorka ayaa ka hor istaagay in uu sii wato
waxbarashadiisa.
2013-kii waxa uu fursad u helay in madaxweynihii
hore ee Maraykanka Barack Obama uu tuso qolkii uu ku xirnaa xabsigii Robben
island, waxa uuna ku yiri "17 sano iyo bar ayaan qolkaan ku xirnaa. Waxaan
waayey caruurtaydii".
Waxaa aad loo xasuustaa khudbaddii uu jeediyey
markii uu dhintay Nelson Mandela Disembar 2013-kii. Waxa uu yiri "waxaan
lumiyey walaal, nolosheydu waa ay marantahay, mana aqaano cid aan
weheshado". Da'diisu waxay ahayd 87 sano.
Xigasho BBC
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]