4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 2 , 2017
Ganacsato bayaan ka soo saartay doorashada rugta ganacsiga Soomaaliyeed


Khamiis, Marso, 02, 2017 (HOL) – Kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xubno ka tirsan rugta ganacsiga gobolka Banaadir ayaa looga hadlay doorashada rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo dhawaan la filayo in la qabto.

Markii uu kulanka soo dhamaaday kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Bile Cabdi Siyaad ayaa sheegay doorashada la filayo dhawaan in ay dhacdo ee rugta ganacsiga iyo warshadaha loo baahan yahay in aan lagu deg degin oo dhamaanba laga talagaliyo dhinacyada ay quseyso.

‘’Doorashada waxaan rabnaa in ay noqoto mid xalaal ah oo dhinacyada ay quseyso oo dhan laga tala-galiyo, arintaa xitaa wasaarada ganacsiga dowladda federaalka waan ogeysiinay, sidaa daraadeed si doorashadaasi u ahaato mid heysata aqlabiyada dhinacyada oo dhan waa in aan lagu deg degin’’ ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay kulanka.

Sidoo kale, waxaa bayaanka lagu sheegeen in la sameeyo ka hor doorashada guddi ganacsatado oo dhinacyada oo dhan ka kooban, lana dhameystiro dastuurka iyo xeerka rugta oo lagu sameynayo dib u eegis dhab ah.

Ugu danbeyntii, ganacsatada ayaa ka hor yimid habka ay hada rugta ganacsiga u maamuleyso doorashada taasoo sumcad daro ku ah sida ay hadalka u dhigeen dhamaanba dhinacyada ay rugta mataleyso.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]