Dagaal khasaare geystay oo galabta ka dhacay magaalada Kala -beyr ee gobolka Sool
Khamiis, Marso, 02, 2017 (HOL) - Dagaal xoogan ayaa ka dhacay magaalada
Kalabaydh, oo 30 Km Galbeed kaga aadan magaalada Laascaanood ee xarunta gaolka
Sool.
Dagaalkan ayaa sida la sheegay waxaa uu u dhexeeyaa ciidamada Soomaliland
iyo dadka degaanka degan sida ay ilo kala duwan u xaqiijiyeen Hiiraan Online
"Waxaa soo galay magaalada ciidamo kuwaas bartilmaameedsanaya in ay
qabqabtaan dad magaalada joogay, taana waxaa ka kacay dadkii sidaana waxaa ku
bilaamay dagaal mudo soconaayey ayuu yiri Cabdiqani Ibraahin oo ka mid ah
dadka deegaankaas ku sugan.
C/qani waxaa uu HOL u sheegay in labo nin ku dhinteen oo shacabka ka mid ah
mid dhaawac ahna uu arkay,lakiin buu jidhi lama dheegi karo dhabta waxyeelada
yada o ay jiri karan waxyeelo kale.
Dagaalka oo ay ka qayb qaateen gaadiidka ciidamada ayaa sida ay shegeen goob
joogayaal ayaa geystay khasaare maaliyadeed.
Ugu danbeyntii, gudoomiyaha gobolka Sool Cabdi Khayre Dirrir oo aan
la xiriirnayayaa noo xaqiijiyey in dagaalkaasi dhacay balse waxa uu sheegay
in ay wali raadinayaan khasaaraha dhabta ah iyo sababta keentay isagoo
dhacdo foolxun ku tilmaamay.
Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood G. Sool