4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 2 , 2017
Magaaladda Qori-lugud ee gobolka Togdheer oo laba qof jadeecad ugu geeriyoodeen

 Khamiis, Maarso ,02 , 2017 (HOL) – Madaxa xogaha iyo warbixinadda wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr:Cabdilaahi Cabdi Yuusuf ayaa ka warbixiyey cudurka Jadeecadda oo uu sheegay inuu laba qof ku dilay deegaanka Qori lugud ee bariga Somaliland.

Dr:Cabdilaahi Cabdi Yuusuf ayaa sheegay in dhibaatooyinka Abaaraha ay sabab u yihiin cuduradan Jadeecada iyo kuwo kale, waxaanu sheegay inay uga faa’iidaysanayso itaal daradda ku dhacday dadkii abaaruhu saameeyeen.

Sidoo kale waxa uu xusay in deegaanka Qori lugud ay iskugu yimaadeen dadkii xooluhu ka baxeen iyo dadkii abaaruhu ku dhufteen oo dhan, haseyeeshee hawl-wadeenadda caafimaadku xakameeyeen in aanay faafin cuduradda ka dhasha abaaruhu.

“ Xanuunku wuu jiraa waxaanu la xidhiidha abaaraha iyo dhibta dhacaysa, waana cudurada ka dhasha abaaraha, cudurka Jadeecadu way jirta wadanka oo dhan laakiin maaha wax faraha ka baxay waana wax wasaarada caafimaadku gacanta ku hayso oo lagula tacaalayo daweyn qofka ay ku dhacdo inta aanu ku dhicina talaal baa la siiyaa.”ayuu yidhi Cabdilaahi.

Digtoorka oo ka hadlaya degmadda Qori lugud oo laga soo sheegay cudurkan Jadeecada oo laba qof ku geeriyoodeen waxa uu yidhi “ Degmadda Qori-lugud waa aaga ugu daran ee jadeeacadu ka jirto wasaaradaa Caafimaadkuna way ka hawlgashaa wayna la socotaa, dawaddii iyo talaalkiiba way taalaa hadana dawooyinku kuma filna cudurada jira kala duwan waayo deegaanadaasi waxa iskugu yimid dadkii xooluhu ka farobaxeen, xaaladuna waa mid wasaaraddu gacanta ku hayso.Laba qof ayaa u dhintay qof yar iyo qof weyn, xanuunka jadeecadu waxay ka mid tahay kuwo laga dawoowo isagana is talaala, qofku marka uu itaal darooyinku cudurada wuu u nugul yahay balse marka uu xoog yahay qofku isaga iska xajinaya.”.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland