4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 2 , 2017
Laba Macalin oo xerada Dhadhaab laga soo afduubta ayaa lala soo aaday Soomaaliya

Khamiis, Marso, 02, 2017 (HOL) – Koox hubeysan ayaa afduubtay laba Maclin, sida Warbaahinta gudaha dalka Kenya, ay  baahiyeen maanta.

Labada macalin, ayaa laga soo afduubtay xeradda Qaxootiga Dhadhaab ee Kenya, waxaana lala soo aaday dhinaca dalka Soomaliya.

Lama-oga shaqsiyaadka afduubka geystay, balse dalka Kenya waxaa si joogta ah weeraro uga geysta Al Shabaab.

Xerooyinkaasi qaxootiga ee Kenya waxa ku jira in ka badan ilaa 500,000 oo qof oo qaxooti ah oo ka cararay dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya, waxana ka mid ah xerada Dhadhaab oo lagu tilmaamo inay ku jiraan qaxootiga maanta ugu badan ee xero qura la iskugu geeyey. Waxa kale oo la rumysan yahay in ilaa 30,000 oo kale oo qaxooti Soomaali ahi ay ku nool yihiin magaalaga Nairobi.

Hassan Istiila

[email protected]