Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Paris kula kulmay dhigiisa dalka Faransiiska
Khamiis, Marso, 02, 2017 (HOL) - Madaxweynaha
Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa booqasho ku tagay magaalada Paris ee dalka
Faransiiska, halkaasoo uu kula kulmay
Madaxweynaha Faransiiska ayaa aqalka
madaxtooyada ku soo dhoweeyay madaxweyne Geelle oo ay wehliyeen wafdi Wasiiro
ah.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada
hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada badan leh ee ay wadaan labada
dal iyo xaalada Gobolka Geeska Afrika.
Waxaa ay isla soo qaadeen arrimaha
Soomaaliya iyo is bedelka Siyaasadeed ee ka dhacay, waxaana Faransiiska uu
muujiyay in si dhow ah isha ugu haayo xaalada Soomaaliya.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa soo
hadal qaaday doorka Jabuuti ka qaadaneyso nabad ilaalinta Soomaaliya iyo
dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.
Waxaa uu balan qaaday inay joogteyn
doonaan taageerada ay siinayaan Jabuuti, gaar ahaan dhinacyada tababarada
ciidamada Jabuuti iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.
Ugu danbeyntii, Faransiiska oo horay
u gumeystay Jabuuti ayaa saldhig milateri ku leh dalkaas, waxaana uu yahay dal
saameyn weyn ku leh siyaasada Jabuuti.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]