4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 2 , 2017
Al Shabaab oo sheegay in la baaro sababihii keenay gubashada suuqa Bakaaraha

Khamiis, Marso, 02, 2017 (HOL) - Dabkii xoogganaa ee dhawaan qabsaday suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaa ku dhintay saddex ruux, halka hanti badana ay ku gubteen.

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay, waxaana dadka Soomaaliyeed ay ka codsatay in walaalahooda ku hanta belay dabka ay gar-gaaraan.

Dhinaca kale, Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo ah Wakiilka Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir, ayaa dhankooda sheegay in ay codsanayaan in la baaro sababihii dhaliyay dabka, waxaana Sheekh Cali uu sheegay in aysan aheyn markii ugu horeysay oo Suuqa Bakaaraha uu gubto.

Waxaa uu sii raaciyay in ay jiraan tuhuno la muujinayo.

“Shaki badan ayaan ka muujineynaa, sida aad ogtihiin labo bilood ka hor dab ayaa ka kacay suuqyo ku yaalla Dharkeenley, Bakaaro iyo Baydhabo”ayuu hadalkiisa uu sii raaciyay Cali Maxamed Xuseen.

Gawaarida dad demiska ee maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa ay leeyihiin shirkado gaar ah ayaa ku guuleystay inay demiyaan dabka ka kacay suuqa Bakaaraha.

Al shabaab ayaana looga baran in ay ka hadlaan inta badan gubashooyinka suuqyadda magaaladda Muqdisho.

Hassan Istiila
[email protected]