Hay’adda IOM oo ka digtay macaluul soo waji karta dalal ay Soomaaliya ka mid tahay
Khamiis, Marso, 02, 2017 (HOL) - Malaayiin qof oo ku nool
dalalka Soomaaliya, K/Suudaan, W/bari Nayjeeriya iyo Yemen ayaa la sheegay in
ay cunno yari baahsan ku haystaan dalalkooda.
Dhibaatooyinka Soomaaliya ayaa inta
badan la sheegay in ay ka timid abaaraha dalka jira iyo colaadaha, oo ah kuwa mudo dheer soo jiitamaya.
“Haddii aysan helin gargaar ku filin
dadkaasi ayaa waxaa laga yaabaa in macluusha ay ku faafto waddanka, halka
dadka cuna yaraanta haysana laga yaabo iney gaaraan ilaa shan milyan iyo shan
boqol kun oo qof bisha juulaay, xilligaas oo ah goorta ay abaarta ugu xun
tahay, iyadoo tirada ay cunna yaraanta haysataana ay ku dhow yihiin shan milyan
oo qof”
Hay’adda muhaajiriinta caalamka ee
IMO ayaa sheegtay in xaaladda bani’aadamnimo ee Soomaaliya ay ka sii dareyso
iyadoo dadka ay deegaanadooda kasoo barakacayaan kuwaasoo raadinaya cunto.
Ugu danbeyntii dhawaan waxaa
magaalada Muqdisho ka dhacay shir caalami ah oo looga hadlay xaalada abaarta ka
jrta dalka Soomaaliya, waxaana shirkaa guddoominayay madaxweynaha Soomaaliya
Max’ed Cabdullaahi Farmaaj oo ugu baaqay deg deg loo kaalmeeyo dadka ay
abaaruhu saameeyeen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]