4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 15, 2017
Koox hubeysan ayaa caawa Muqdishu ku dilay Nin Oday ah

 

Arbaco, Maarso, 15, 2017 (HOL) -  Koox hubeysan, ayaa caawa xaafadda Suuq-Bacaad ee degmadda Yaaqshiid ku dilay Nin Oday ah oo magiciisa lagu sheegay Cabdullahi Xasan.

Dilka waxaa uu dhacay salaadii maqrib kadib, waxaana la sheegay in kooxdii dilka geysatay ay baxsadeen.

Ciidamadda dowladda ayaa howlgallo caawa ka wada degmadda Yaaqshiid qeyb ka mid ah.

Amaanka magaaladda Muqdishu, si wanaagsan looguma mahdin maalmihii lasoo dhaafay. 

Faafaahinta warkaan waan idin soo sheegeynaa..

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia