Britain oo ka qeybqaadaneysa gurmadka wax looga qabanayo abaarta Soomaaliya
Arbaco, Maarso, 15, 2017 (HOL) – Dowladda Britain oo dhinaceeda walaac ba’an ka muujisay
abaarta ka jirta qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay
dhaqaaale ku bixineyso gurmadka dadka ay sameeysay macaluusha ka dhalatay
abaarta.
Xoghayaha arrimaha dibada Britain, Boris Jonhson ayaa sheegay in dowladdiisa
ay ku bixineyso wax ka qabashada abaarta 10 million Pound.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo
ayaa uga mahadceliyey dowladda Britain tageerada ay ku bixiso Soomaaliya
islamarkaana ku baaqay in laga dhabeeyo ballan qaadyada.
Madaxweynaha iyo xoghayaha arrimaha dibadda
Britain ee maanta booqsha ku yimid dalka ayaa ka wada hadlay ajendayaasha
shirka dhaqaalaha loogu aruurinayo Soomaaliya ee 11-ka bish May ee sannadkaan
ka dhaci doona London.
Guud ahaa marka la eego wadamada gobolka 16 milyan oo qof ayaan heysan wax ay cunaan iyo meel ay u doontaan midna, waxaana ugu sii darran caruurta oo bilaabay in ay gaajo u dhintaan.
Ugu danbeyntii, Abaarta iyo colaada ayaa saameyn ku yeelatay nolasha
malaayiin qof wadamada South Sudan, Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya, kuwaasi oo
si deg deg ah ugu baahan cunto, biyo iyo daaweyn caafimaad.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]