Turkiga oo xero militari ka dhisay deegaanka Jazeera ee gobolka Banaadir
Arbaco, Maarso, 15, 2017 (HOL) - Sii hayaha wasaarrada difaaca Soomaaliya C/qaadir
Sheekh Cali Diini ayaa maanta kormeer ku tagey Saldhiga Milateri ee Turkiga ka
dhistay deegaanka Jazeera, halkaasoo noqon doonta xarun lagu tababari doono
Ciidamada iyo Saraakiisha xoogga dalka.
Xaruntan ayaa qaab casri ah loo dhisay, iyadoo ay ku sugan yihiin saraakiil
ka tirsan Militari Turkiga oo soo dhoweeyay Sii hayaha Wasiirka Gaashaandhigga.
Dhismaha Xaruntan oo hadda maraya heer gabo-gabo ah ayaa waxaa lagu wadaa in
uu soo dhamaado waqti dhow, si loogu bilaabo howshii loo diyaariyey, waxaana
Wasiirka iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Turkigu ay kormeer ku sameeyeen guud
ahaan qeybaha kala duwan ee ay ka kooban yahay dhismaha xaruntan.
Wasiir Diini ayaa uga mahadceliyey Turkiga taageerada xoogan ee mar
walba ay la garab taagan yihiin dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, isagoo
xusay dhismaha Xaruntani ay door weyn ka ciyaari doonto horumarinta
iyo kor u qaadidda tayada Ciidanka, gaar ahaan Saraakiisha oo ilaa iyo Dawlad
burburkii aan helin goob kamid ah dalka ay ku tababartaan.
Ugu danbeyntii, Turkiga ayaa dhowaan sheegay inuu saldhig Militari ka
dhisanayo Soomaaliya, kaasoo lagu tababarayo ciidamada Soomaaliya, waxaana
saldhigan uu noqonayaa kii u horeeyay ee gudaha Soomaaliya ka furtaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]