Dowladda Soomaaliya oo dalka ka masaafurisay muwaadiniin Kenyaan ah (Sawirro)
Arbaco, Maarso, 15, 2017 (HOL) - Dowladda
federaalka Soomaaliya, gaar ahaa hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa maanta dalka ka
musaafurisay labo muwaadin Kenyan ah oo lagu eedeeyay in ay sharci darro dalka ku joogeen.
Labadan nin ee la masaafuriyay ayaa waxaa gacanta ku dhigay saraakiil ka
tirsan hay’adda socdaalka qeybteeda dabagalka, waxaana maanta dib loogu
celiyay dalka Kenya.
Muwaadiniinta Kenyaanka ah ee la masaafuriyay ayaa sidoo kale laga mamnuucay
in ay dalka dib ugu soo laabtaan, waxaana ay ku wargelisay hey’adaha kala duwan
inay ka foogijnaadaan.
Muwaadiniin badan oo Kenyan ah ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasoo la
shaqeeya hey’ado kala duwan oo badankood ka howlgala garoonka diyaaradaha iyo
xerada Xalane.
Ugu danbeyntii, hay’adda socdaalka ayaa xoojisay howl galkeeda daba galka ee la
xiriira muwaadiniinta aan sharciga ku joogin dalka, waxaana horay digniino uga
soo saartay arrintan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]