4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 15, 2017
Ra'iisal wasaaraha Soomaalia oo kulan la qaatay madaxda ugu sareysa AMISOM

Arbaco, Maarso, 15, 2017 (HOL) - Ra'iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa kula kulmay Madaxda ugu sareysa Ciidamada Midowag Afrika ee AMISOM, waxaa  ayna kawada hadleyn arimo muhiim ah.

Kulanka ka dhacay xafiiska Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya waxaa goob joog ka ahaa Madaxa ugu sareeya Ciidamada AMISOM Amb. Francisco Madeira Caetano,taliyaha Milatariga AMISOM iyo Taliyaha Booliska AMISOM.

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa kala hadlay madaxda iyo taliyaasaha ugu sareeya AMISOM sidii loo xoojin lahaa howlagalada amaanka lagu xaqiijinayo iyo in wada shaqeyn dhaw ay yeeshaan AMISOM iyo xukuumada cusub.

Ugu danebyntii, madaxda ugu sareysa AMISOM ayaa u balan qaaday ra'isul wasaare Xassan Kheyre in si dhaw ula shaqeyn doonana dowlada cusub ayna xoojin doonaan howlgalka lagu xaqiijinayo amaanka dalka iyaga oo kaa shanaya ciidanka Dowlada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]