4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 15, 2017
Al-shabaab oo labo wiil oo dhalinyaro ka gooyay lug iyo gacan

Arbaco, Maarso, 15, 2017 (HOL) – Al-shabaab oo meel fagaaro ah  gobolka Shabeeellaha hoose lug iyo gacan uga goysay labo wiil oo dhalinyaro kuwaa oo lagu eedeeyay xatooyo.

Maxkamad Al-shabaab ay leeyihiin ayaa Cabdi Cali Max’ed ku xukuntay ayaa laga gooyo lugta bidix madaama la sheegay in horay looga gooyay gacanta bidix, halka Max’ed Xassan Cumar lagu xukumay in laga gooyo gacanta bidix.

Max’ed Xasan Cumar oo ah wiilka lugta laga gooyay ayaa lagu eedeeyay in uu xaday neef dibi ah oo saddex sano  jir ah.

 Al-Shabaab ayaa inta badan fuliya xukunno ay ku ridaan dadka lagu soo eedeeyo xatooyo, sidoo kale Al-shabaab toogasho ku filaya dhalinyarro ku eedeeyaan basaasnimo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]