4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 15, 2017
Kalkaaliso caafimaad oo u dhimatay dab la qabadsiiyay

Arbaco, Maarso, 15, 2017 (HOL) - Kalkaaliso caafimaad oo reer Israa'iil ah ayaa dhimatay ka dib markii nin bukaan ah uu dab ku qabadsiiyay Holon oo ku taalla Koonfurta Tel Aviv.

Tova Kararo oo 56 sano jir ah ayaa dareere dabka durba qabsado lagu shubay dabna la qabadsiiyay kadib markii uu muran dhex maray bukaan aan ku qanacsanayna adeegga la siinayo sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan booliiska.

Ninka laga shakisan yahay oo da'da todobaaatameeyada ku jira ayaa isaga cararay goobtii laakiin markii dambe ayaa la soo qabtay.

Shaqaalaha caafimaadka ee Israa'iil ayaa qorshaynaya in ay shaqo joojin labo saac ah ku dhaqaaqaan Maanta oo Arbaco ah si ay u muujiyaan walaca ay ka qabaan dhibaatooyinka ka soo gaara xirfadooda.

Warbaaahin badan oo Israa'iil laga leeyahay ayaa ku warramaya in qofka dilka gaystay uu ka mid yahay dadkii ka badbaaday dagaalkii holocaust uuna qabay xanuunno dhanka dhimirka ah

Ugu danbeyntii Sigal Bar Tzvi oo ka mid ah saraakiisha booliiska ee deegaanka uu dhibku ka dhacay ayaa sheegay in ninkaasi uu yimid xarunta caafimaadka isla markaasna uusan ku faraxsanayn sidii loo dawaynayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]