Talaado, Maarso ,14, 2017 (HOL) - Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa sheegay in ay abaabulayaan ciidamo amni oo soo furta Markab la sheegay inay soo afduubeen kooxo hubaysan, kaasoo la geeyay meel u dhow xeebta Caluula.
Guddoomiyaha degmada Caluula Cali-Shire Maxamuud Cismaan ayaa VOA u sheegay in dadka soo afduubtay markabkaasi ay yihiin budhcad badeed, sida uu hadalka u dhigay, hase yeeshee nin sheegtay in uu ka mid yahay dadka Markabka soo qabsaday ayaa VOA isna u sheegay in ay yihiin kalluumaysato.
Markabkan oo lagu magacaabo ARIS 13 ayaa kasoo shiraacday magaalada Jabuuti waxaana uu u socday Muqdishu markii shalay la afduubay.
Ugu danbeyntii, mas’uuliyiinta la socda Markabkaasi ayaa VOA u sheegay in ay la socdaan toddoba qof oo shaqaale ah oo u dhashaya dhammaantood dalka Sirilanka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]