4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 14, 2017
Taliyaha ciidamada : koox tiro yar oo militariga ka tirsan ayaa gadoodka sameeyay sharciga ayaana la marinayaa

 Talaado, Maarso, 14. 2017 (HOL) - Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Max’ed Aadan Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadii gadoodka dhawaan sameeyay ahaayeen sida uu hadalka u dhigay koox yar oo ka tirsan militariga Soomaaliya.

‘’Ciidamada wax aysan waxba ka dhafeynin in ay ku kacaan waan uga digayaa, kuwaa falka gadoodka ah ku kacay wixii sharciga uu dhigayo ayaa la marinayaa, waan ognahay xeradaa muddada ay joogeen, sababtey u joogeenna waan ognahay, laakiin ciidamadii xeradaa joogay oo dhan kuma kicin tiro yar oo iyaga ka tirsan ayaa arintaa ku kacay sharciga ayaan la marinayaa’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada.

Taliyaha ayaa ku tilmaamay gadoodkii Axadii ina dhaaftay ay sameeyeen ciidamada militariga mid sharafta looga dilayo sida uu hadalka u dhigay ciidamada qalabka sida, waxaana uu ka digay in mar kale ay ku dhacaan falalka noocaa ah.

Hadalka taliyaha ayaa imnaya xili dhawaan ay soo baxeen eedeymo loo jeedinayo taliska ciidamada militariga ee la xiriira mishaaraadka ciidamada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]