4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 14, 2017
Mid ka mid ah ergadii koonfur galbeed oo suuqa Bakaaraha lagu dhex dilay

 

Talaado, Maarso, 14, 2017 (HOL)  Koox hubeysan ayaa maanta bartamaha Suuqa Bakaaraha, ku dilay nin nabadoon ah, oo ka mid ahaa ergadii wax ka dooratay xildhibaanadii Baarlamaanka Soomaaliya, ka soo gallay maamulka Koonfur Galbeed.

Dableeydii hubeysneed ayaa goobta ka baxsaday, ka hor inta aysan imaan ciidamadda amniga dowladda Soomaaliya oo baaritaanno halkaa ka bilaabay.

“ Nabadoonka waxaa xabada looga dhuftay qeybta sare ee jirka” waxaa sidaa Hiiraan Olnline u sheegay mid ka mid ah dadka suuqa ku sugnaa ee dhacdada goob joog u ahaa.

Maalmihii lasoo dhaafay, waxaa magaaladda dhexdeeda lagu beegsanayay masuuliyiin iyo nabadoono.

Shalay ilaa xalay oo keliya, ugu yaraan Shan qarax ayaa caasimadda ka dhacay, waxaana ku geeryooday, labdii qarax ee ugu horeeyay, ugu yaraan 13,  halka 22 kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxii ka dhacay, iridka horre ee laga galo Hotel Wehliye, ayaa ahaa mid xooggan.

Hotel wehliye, waxa uu aad ugu dhowyahay, Hotel Dayax oo bishii January lagu dilay 28 ruux, kadib markii weerar ay ku qaadeen Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa sheegtay qaraxyadaasi dhacay, Hotel Wehliye, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen xildhibaano hore iyo saraakiil Nabadsugid ah, balse dowladda ayaa beenisay sheegashada Al Shabaab. 

Ugu dabeyntii, ra'iisal wasaaraha xukuumada federaalka ee Soomaaliya, Xasan Cali, ayaa cambaareeyay waxaana uu ku tilaamay wax lagu xumaado.
 
Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia