4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 14, 2017
Nabadsugidda gobolka Gedo oo soo bandhigtay walxaha qarxa oo ay kasoo qabteen Baladxaawo
Talaado, Maarso, 14, 2017 (HOL) -Laanta nabadsugidda iyo sirdoonka Jubaland ee gobolka Gedo ayaa soo bandhigay waxyaabaha qarxa oo ay ciidamadu kusoo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen mid kamid ah xaafadaha magaaladaasi.

Taliyaha nabadsugidda iyo sirdoonka Jubaland ee gobolka Gedo Cali Abshir Xasan Deer oo warbaahinta kula hadlay goobtii lagu soo bandhigayay qaraxa ayaa sheegay in ciidamada nabadgelyadu gacanta ku dhigeen qaraxa xilli maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab ay doonayeen in ay ku aasaan mid kamid ah wadooyinka muhiimka ah ee degmadaasi.

Waxa uu sheegay in ciidamo howlgal ka waday magaalada ay xaafadda Buurta ee magaaladaasi kula kulmeen rag doonayay in ay Miino aasaan, kadibna ay ciidamadu is xabadeeyeen, waxa uu sheegay in ay raggaasi baxsadaan goobtana uga carareen Mobile-ladooda iyo Miinadii ay doonayeen in ay aasaan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan rag kale oo ay ciidamadu gacanta ku dhigeen oo la tuhunsanyahay in ay ku lug lahaayeen falal amni darro.

Ciidamada nabadsugidda degmada Baladxaawo ayaa mudooyinkii u danbeeyay xaafadaha degmadaasi ka waday howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka, ayagoo marar badan soo bandhigay hub iyo qaraxyo ay kasoo qabteen xaafadaha magaalada.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya