4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 14, 2017
Salaad Roob Doon ah oo laga Oogay maanta magaalada Beledweyne + Muuqaal

 

Talaado, Maarso, 14. 2017 (HOL) -  Isku soo bixii ugu ballaarnaa oo dadka ay Alla uga baryayaan in uu ka dulqaado abaarta baaxda leh ee ku habsatay, islamarkaana siiyo Roob dadka iyo duunyadaba ku diirsadaan ayaa maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta u ah gobolka Hiiraan.

Isku soo baxan ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan culima’udiinka gobolka, ardeyda dugsiyada waxbarashada, iyo dadweyne isaga kala yimid qeybaha kala duwa ee xaafaddaha magaalada Beledweyne kuwaa oo Alle ka baryay in uu umaddiisa ka dulqaado dhibaatada.

Marka laga soo tago salaada Roob doonka waxaa halkaa ducooyin ka soo jeediyay culimadii ka qeybgashay isku soo baxa, kuwaa oo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in sidan oo kale dadku isugu soo baxaan wadajirna Alle looga baryo in uu siiyo raxmadiisa.

Ma’aha magaalada Beledweyne oo kaliya ee sidoo kale  isku soo baxan oo kale waxaa maanta laga sameeyay qaar ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya oo ay ka mid tahay caasimada Muqdisho.

Ugu danbeyntii, madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan ku baaqay in todobaadkan la Oogo salaad Roob Doon ah iyo Alla Bari kadib abaar baaxad leh oo soo food saartay dadka iyo duuniyada. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]