4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 14, 2017
Ciyaartoyda Gabdhaha Kubadda Kollayga Soomaalidda oo loo diiday Fiisaha dalka Masar, kuna xayiran magaaladda Dubai

 

Talaado, Maarso, 14, 2017 (HOL) - Wargeyska Youm Sabaa News Paper, ee kasoo baxa dalka Masar, ayaa daabacay in kooxda Gabdhaha Kubadda Kollayga ee Soomaaliya, ay ku xayiranyihiin garoonka diyaaraddaha ee magaaladda Dubai ee dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta, kadib markii loo diiday in la siiyo Fiisaha lagu galaayo dalka Masar.

Kooxda Soomaalidda, ayaa waxaa la filayaa in ay dhawaan ka qeyb-galaan tartanka xiisaha badan ee Kubadda Kollayga Gabdhaha Afrika ee Zoonka 5-aad.

Warbaahinta dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta, ayaa suuragal ka dhigaya in ay Gabdhaha Soomaalidda ay dib ugu noqon doonaan Soomaaliya.

Xulka Wiilasha ee Kubadda Kollayga Somalia oo badankooda ka yimid wadamada Qurbaha ayaa ka qeyb galayo Tartankaasi ka furmay magaalladda Qaahira.

Kooxdii wiilasha Soomaalidda, ayaa looga adkaaday 94, kadib markii ay la cayaareen kooxda Uganda. Somalia 72 vs Uganda 94.

Lama shaacin, u-jeedooyinka loogu diiday Fiisaha ciyaartooyda Soomaaliya, iyadoo tartanka uu qarka u saaranyahay in uu bilowdo. 

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia