4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 14, 2017
Boqolaal ruux oo Isbitaalka Gaalkacyo loogu sameynayo qaliin indha fiiqis bilaash ah


Talaado, Maarso, 14. 2017 (HOL) - Mashruuc isugu jira daweyn iyo indho fiiqis bilaash oo ay ka faaiideysteen kumanaan ruux ayaa ka socda Isbitaalka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo ay maamusho heyadda Mudug Development Organization.

Howshan samafalka ah oo soconeysa muddo shan cisho ah ayaa dadka ka faa’iideystay waxay isugu jiraan barakacayaal iyo dad danyar ah kuwaasoo aan wax lacag ah laga qaadeynin haba yaraatee sida uu sheegay Agaasimaha Isbitaalka Indhaha Al-Nuur Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo hogaaminaya dhaqaatiirta fulineysa Mashruucan.

Dr. Dalmar ayaa xusay in howshan samafalka ay dalka qeybo ka mid ah ka soo wadeen sanadihii la soo la soo dhaafay, ayna rajeynayaan in sanadaha soo socda ay sii wadaan.

“Hirgelinta howshan samafalka ah waxaa iska kaashanaya dhaqaatiir Soomaali iyo ajnabi leh oo kala socota Heyadda Al-Nuur Foundation Somalia oo aan madax u ahay iyo heyadda Al-Basar International Foundation ee dalka Sacuudiga.

Waxaa uu intaa ku daray dhaqtarku in Mashruucan oo isugu jiray Baaritaano, daaweyn, okiyaale qoris ay ka faaiideysteen dad gaaraya 4,560 qof, halka dad gaaraya 400 oo kale loo sameynayo qaliimo dhinaca indhaha ah, isagoo xusay dadka ka faa’ideystay ay ka kala yimaadeen degaanada hoos taga Galmudug iyo Puntland, wuxuuna hoosta ka xariiqay in mashruucan uu yahay mid lacag la’aan ah oo loogu adeegayo bulshada Soomaaliyeed.

Qeybta hore ee mashruucan ayuu sheegay Dr. Dalmar in dabayaaqadii todobaadkii hore lagu soo gebagebeeyey isbitaalka Al-Nuur ee magaalada Muqdisho, halkaasoo indhaha loogu fiiqay dad gaaraya 500 oo qof oo ka kala yimid xeryaha barakacayaasha iyo degaanada ku dhow Muqdisho, halka 5,600 oo qofna loo sameeyey baaritaano iyo daweyn.

Dr. Dalmar ayaa xusay Sanadkan 2017-ka ay u qorsheysan tahay in si bilaash indhaha loogu fiiqo dad gaaraya afar kun oo qof oo ku kala sugan Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood, isagoo intaas ku daray in mashruucan ay gaarsiin doonaan magaalooyin ay ka mid yihiin Kismaayo, Baydhabo, Jowhar, Cadaado, Dhuusamareeb, Gaalkacyo iyo meelo kale, wuxuuna u mahad celiyey heyadda Al-Basar International Foundation ee dalka Sacuudiga oo fududeysay taaba galka mashruucan, dhaqaatiir ka socotay dalka Pakistan oo howshan kala qeyb qaatay, shaqaalaha Isbitaalka Al-Nuur iyo intii kale ee gacanta ka geysatay.

Isbitaalka Gaalkacyo ayaa Mashquul fara badan maalmahan laga dareemayey, waxaana soo buuxiyey dad u badan kuwo da’ah oo isugu jiray rag iyo haween kuwaasoo loo sameynayey qaliimo bilaash ah.

“Araggeygu waa taam Dr. Dalmar iyo kooxdiisa waan u duceynay qeyr fara badan ILAAHAY ha siiyo, wax dhibana Alle ma tusiyo, wax weyn ayuu noo qabtay muraadkiisa ILAAHAY ha u sahlo” sidaas waxaa yiri hooyo ka mid aheyd dadkii waayeelka ahaa ee ka faa’iideystay mashruucan.

Ugu dabeytii, dadka danyarta ah ee sida bilaashka ah uga faa’iideystay mashruucan samafalka ah qaarkood oo saxaafada la hadlay iyagoo wajiyadooda ay ka muuqatay farxad ayaa sheegay in loo sameeyey daweyn iyo qaliimo ay u baahnaayeen, aysana jirin wax qarash ah oo laga qaaday, iyagoo u mahad celiyey maamulka Isbitaalka indhaha Al-Nuur iyo hay’adihii kale ee gacanta ka geystay howshan samafalka ah. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]