4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 14, 2017
Burcad badeed Soomaali ah oo Markab afduubatay

 Talaado, Maarso, 14, 2017 (HOL) – Saraakiisha ammaanka ee Somalia ayaa sheegay in koox burcad-badeed soomaali ay badweynta India ka afduubteen Markab weyn oo nooca shidaalka qaada ah .

Saraakiishan ayaa sheegay in markabkan lala aaday xeebaha Puntland. ila wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa VOAda u sheegay in markabkan uu ahaa mid ganacsi ah oo watay calanka dalka Imaaraadka.

Madaxda maamul goboleedka ayaa sheegaya in ay weli wadaaan qiimaynta xaladda dhalisay afduubka markabkan iyo wararka la xariira.

Ila wareedyada ayaa sheegaya in ugu yaraan 8 qof ay ku lug-leeyihiin howlgalka afduubka markabkan.

Wararka qaar ayaa intaasi ku daraya in markabkan loola kacay dhinca xeebta raas-Casayr.

Ugu danbeyntii, waxaa xusa mudan in howl-gallada burcad badeedka ee afduubka maraakiibta ee xeebaha Somalia ayaa ahaayeen kuwa sii yaraaday saddexdii sano ee la soo dhaafay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]