4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 13, 2017
Chelsea Oo Iska Xaadirisay Wareegga 4-ta Ee FA Cup-ka,Man United Ayay Hal Gool Ku Garaaceen

Chelsea ayaa  u gudubtay wareegga 4-ta ee Champion-ka ka dib markii ay hal gool ku garaaceen United oo ciyaarta ku dhameystay 10 ciyaaryahan ka dib marki Harrera  uu qeybtii hore ka qaatay kaarka cas.

Kulankaan ayaa ahaa kii 12-aad ee  ay labadaan koox yeesheen iyadoo la poogo FA Cup-ka , marka laga yimaado kulankaan,  11-kii kulan ee ay hore u soo ciyaareen sideed ka mid ah waxaa soo badisay Manchester United halka seddexda kulan kale ay badisay Chelsea.
Sheekadii kulanka .

Labada koox ee Chelsea iyo United ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal xilli kubadda ay ku badneyd cagta Chelsea .

Chelsea ayaa ku wacneyd abuuridda weerarka iyga ayaan tagayay qadka rigoorada United inkastoo ay wajahayeen daafac. 

United waxaa biloowgii ku adkaa in kubadda ku jiidaan goosha Chelsea mana jirirn fursado la isku helay marka laga yimaado  gool xaqiiq ahaa oo goolhaye De Gea uu ka bad baadiyay kubad sameeyaha Cheslea ee Hazard .

United waxaa qeybta hore ka maqnaa abuuridda iyo dhisidda weeraro halka Chelsea ay ciyaarayeen kubad weerar ah.

Xilli xaalka sidaas ahaa waxaa United qorshayaashii ay ku soo galeen kulankaas waxaa ka  haleeyay Harrera kaasi oo kaarka cas qaatay daqiiqaddii 35-aad ka dib markii uu carqladeeyay Hazard waxa uuna ahaa kaarkii labaad ee digniinta .

Ka dib kaarkaas waxa uu Jose durba  sameeyay badel isaga oo soo giliyay Marouane Fellaini oo loo badalay Mkhitaryan  ,waxaana nasiinada lagu aaday bar bar dhacaas bilaa goolasha ah 
Soo laabashadii ,Chelsea iyaga ayaa maamulayay ciyaarta , waana laga filan karay gool halka United difaac ciyaarayeen .

Dadaalkaas waxa uu keenay in Chelsea ay  helaan gool waxaana banaanka qadka rigoorada United ka dhaliyay N'Golo Kante waxa ayna aheyd daqiiqaddii 52-aad.

Xilli Kubadda aagga United ku badneyd ayay heleen kooxda Jose Mourinho kubad rogaal celis aheyd oo la soo qajafeeyay waxaana daafaca Chelsea ee Cahill ka farsameystay Rashford balse gool xaqiiq ahaa waxaa ka bad baadiyay goolhayaha Chelsea waxa ayna aheyd daqiiqaddii 58-aad.

Ka dib dhacdadaas ,  Chelsea dhan waliba ayay ka marayeen United oo gool labaad ayay dagaalka ugu jireen waxaana daqiqidii 72-aad u diiday goolahye De Gea ka dib kubad laad xorahyed oo William ku soo laaday goosha United .

Dhamaadkii United isku dayo ayay sameeyeen sameeyeen balse ma aheyn kuwo sidii laga rabay loo turjumay waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay halkaas gool eeay Chelsea isgaa xaadiriyeen wareegga 4-da ee FA Cup-ka