4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2017
Waa sidee xaaladda magaaladda Muqdishu ? Qaraxyo iyo dilal ayaa caawa dhacay

 

Isniin, Maarso, 13, 2017 (HOL) -  Bambo-gacmeed ayaa lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowladda, oo ku sugan degmadda warta Nabada ee magaaladda muqdisho.

Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarka.

Sidoo kale, qarax ayaa la sheegayaa in caawa lagu dhuftay bar-kontorool, oo aad ugu dhow garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdishu.

Lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay weerarka.

Sidoo kale koox hubeysan ayaa caawa degmadda Huruwaa ku dilay, mid ka mid ah saraakiisha la shaqeeya maamulka Hirshabeelle.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsay.

Maanta oo keliya, ugu yaraan Afar qarax ayaa caasimadda ka dhacay, waxaana ku geeryooday, labdii qarax ee ugu horeeyay, ugu yaraan 13,  halka 22 kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxii maanta ka dhacay, iridka horre ee laga galo Hotel Wehliye, ayaa ahaa mid xooggan.

Hotel wehliye, waxa uu aad ugu dhowyahay, Hotel Dayax oo bishii January lagu dilay 28 ruux, kadib markii weerar ay ku qaadeen Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa sheegtay qaraxii maanta ka dhacay, Hotel Wehliye, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen xildhibaano hore iyo saraakiil Nabadsugid ah, balse dowladda ayaa beenisay sheegashada Al Shabaab. 

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Cali, ayaa cambaareeyay qaraxyadii maanta ka dhacay magaaladda Muqdishu, waxaana uu ku tilaamay wax lagu xumaado.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia