4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2017
Qarax ka dhacay magaaladda Kismaayo

Isniin, Maarso, 13, 2017 (HOL) -Qof  Ismiidaamiye ah ayaa ku qarxay xaafadda Farjano ee magaaladda Kisamaayo, ee xaruunta maamulka Jubaland ee Soomaaliya.

Saraakiisha maamulka Jubaland, ayaa sheegay in qofka is-qarxiyay ilaa iyo hadda in aan la aqoonsan.

Qaraxa waxaa ku geeryooday oo keliya, ninkii waday, mana jiraan cid kale oo khasaare uu kasoo gaaray, sida masuuliyiinta amniga ay sheegeen.

“ Ninka qaraxa waday, waxaa uu marayay  wadada Maqaayada Sahan ay ku taallo,ee ku dhow masjidka H.Jaamac” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah masuuliyiinta mamulka Jubaland.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada  qaraxa.

Ciidamadda maamulka Jubaland, ayaa wada howlgallo, waxaana la sheegayaa in baaritaanka xoogiisa uu ka socdo xaafadda uu qaraxa ka dhacay.

Faafaahinta warkaan gadaal ayaan idinkaga soo sheegeynaa.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia