4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2017
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo wax laga xumaado ku tilmaamay Qaraxyo maanta ka dhacay Muqdishu

 

Isniin, Maarso, 13, 2017 (HOL) - Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Cali, ayaa cambaareeyay qaraxyadii maanta ka dhacay magaaladda Muqdishu.

Qaraxii ugu horeeyay, waxaa uu ka dhacay, meel u-dhow warshadii nac-naca ee degmadda Wadajir, halka Qaraxii labaadna uu ka dhacay iridka hore ee laga galo Hotel-ka Wehliye ee Magaaladda Muqdishu.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa qaraxyada ku tilmaamay wax lagu xumaado.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cumar Ceymooy , ayaa sheegay in mid ka mid ah ilaaladiisa uu ku dhaawacmay qarax maanta ka dhacay iridka hore ee laga gallo Hotel Wehliye ee magaaladda Muqdishu.

Dadka uu khasaaraha kasoo gaaray qaraxa, waxaa laga dhex aqoonsaday ciidamadii ilaalada u ahaa Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cumar Ceymooy.

Hotel wehliye, waxa uu aad ugu dhowyahay, Hotel Dayax oo bishii January lagu dilay 28 ruux, kadib markii weerar ay ku qaadeen Al Shabaab.

 

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia