4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 13, 2017
Faah faahin : Qarax subaxnimadii hore ee saakay ka dhacay degmada Wadajir

 Isniin, Maarso, 13, 2017 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay qarax subaxnimadii hore saakay ka dhacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kadib gaari loo maleynayo in lagu soo raray walxaha qarxa lagu hakiyay barkootarool.

Qof ayaa ku dhintay saddex kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray qaraxa oo ka dhashay gaari nooca Caasiga ah oo bartilmaameedkiisu ahaa xarunta tababarka ciidamada ee Jen Dhaga-badan ee degmada Wadajir.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa gaariga ka hor la maqlay rasaas loo maleynayo ay rideen ciidamo ku sugnaa barkootarool kuwaa oo shakiyay gaariga, taasoo keentay in uu is qarxiyo.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Wadajir ayaa sheegaya in gaarigan uu qarxay, ka hor inta aasan gaarin bartilmaameedkii uu u socday.

Qaraxyada iyo dilalka ayaa todobaadyadii ugu danbeeyayba magaalada Muqdisho joogta ka ahaa, ilaa iyo haddana ma jiro wax war ah oo ay arinta ka soo saareen laamaha amniga dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]