Kenya oo hakisay mshruucii dhismaha safaaradeeda Muqdisho
Isniin, Maarso, 13, 2017 (HOL) – Wasaarrada arimaha dibada Kenya ayaa
sheegtay in dib loo dhigay ama la hakiyay dhismihii safaaradeeda Kenya ee
Muqdisho.
Aamina Maxamed oo la hadlaysay Guddiga Difaaca iyo Arrimaha Dibadda ee
Baarlamaanka Kenya ayaa sheegtay in la mashcruuca dhismaha safaarada uu soo
bilowday bishii Agosto ee sanadkii 2015, laguna waday in la dhameystiro
dhamaadka sanadka 2016.
Dhismaha Safaaradda Kenya ayaa ka koobnaa xafiisyo, deegaanka Safiirada iyo
afar guri oo ay degi lahaayeen Shaqaalaha Safaaradda.
Wasiiradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa sheegay in sababahay loo hakiyay
mashruucaas uu yahay caqabada dhinaca ammaanka, hase ahaatee waxaa ay
tilmaamtay in 35% dhismaha la dhameystiray.
Go’aanka dib u dhiska howl galkeeda Soomaaliya ayay sheegtay in Soomaaliya
ka cawinayo inuu dib uga soo kabto dagaalada halakeeyay dalkaas, oo dhowaan
doortay Madaxweyne cusub.
Ugu danbeyntii, Kenya ayaa safaaradeeda Soomaaliya si KMG uga howl galeysay
magaalada Nairobi, kaddib markii uu dhacay bur burkii oo ay si rasmi ah u
xirtay Safaaradii ay ku laheyd Muqdisho sanadkii 1991.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]