4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 13, 2017
Nin Xaaskiisa ku bireeyay degmada Guri-Ceel ee gobolka Galguduud

Isniin, Maarso, 13, 2017 (HOL) – Wararka ka imanaya degmada Guri-ceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in saakay nin ka mid ah dadka deegaanka uu xaaskiisii ku gowracay gudaha magaalada.

Dadka ku sugan degmada ayaa sheegaya in ninkaan oo lagu magacaabo Maxamed Xaaji Cabdi Siyaad madaxa looga jiray,waxaana uu bireeyay xaaskiisii oo ay isku dhaleen illaa 7 Carruur ah.

Xaaska la Gowracay ayaa Magaceeda waxaa lagu sheegay Canab File ,waxaana ciidamada maamulka Ahlu Sunna gacanta ku dhigeen ninka falka dilka ah geystay.

Ugu danbeyntii, dadka ku dhaqan degmada ayaa dhacdadaan waxaa ay ku noqotay mid lala anfariiro, iyadoo ay tahay middii ugu horeysay ee degmada ka dhacda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]