4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2017
Bambo gacmeen ayaa xalay lagu weeraray guriga Agaasimaha wasaaraha Maaliyadda

Isniin, Maarso, 13, 2017 (HOL) – Ugu yaraan laba ruux ayuu khasaare kasoo gaaray, kadib markii xalay bombo gacmeedyo, lagu weeraray guriga Axmed Shire, oo ah agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda.

Weerarka ayaa ka dhacay degmadda Warta-nabada ee magaaladda Muqdishu. 

Kooxdii weerarka geysatay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamadda dowladda oo xalay howlgallo sameeyay, ayaa la sheegayaa in ay dad kusoo qab-qabteen.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka.

Maalmihii dhambe, magaaladda muqdishu, waxaa kusoo badanayay Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan.

Ciidamadda dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Nabadsugida iyo Booliiska, ayaa laga dalbaday in ay adkeeyaan amaanka magaaladda.

Hassan Istiila
[email protected]
Mogadishu, Somalia