4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2017
Kooxda Daacish oo ku go’doonsan magaalada Mousil

 Isniin, Maarso, 13, 2017 (HOL) – Dowladaha Mareykanka iyo Ciraaq ayaa sheegay in dagaalyahanada kooxda Daacish ee ka dagaalamayey waqooyiga Mosul la hareereeyey, kadib marki ay ciidamada Dowlada Ciraaq qabsadeen wadadi ugu danbeysay ee looga baxo magaalada.

Ergayga Mareykanka ee la dagaalanka ISIS Brett McGurk, oo Axadi wariyaasha kula hadlay magaalada Baghdad, ayaa sheegay in maleeshiyada Daacish ay go,doomeen.Wuxuu sheegay inuusan qofna ka bixin magaalada isla markaana ay halkaasi ku dhima doonaan.

Taliyaha ciidanka Ciraq General Abdul Amir Rashid Yarallah ayaa sheegay in ciidanka la dagaalanka aragagixisada ay isku fididyeen dhinaca magaalada duqda ah ee farasmagaalka Mosul.

Ciidamada Iraq ayaa qabsaday dhinaca bari ee magaalada Mosul bishii Janaury ee sanadkaan.

Qaraamda Midoobay ayaa Sabtdii sheegtay in dad lagu qiyaasay 5,000 oo ruux oo rayid ah ay maalin walba ka barakacaan goobaha ay colaadu ka jirto ee magaalada Mosul, tan iyo marki ay ciidanka dowlada bilaabeen howlgalka ay ku wada qabsanayaan magaaladaasi sadex todobaad ka hor.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]