4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 13, 2017
Madaxweynaha Turkiga oo hanjabaad u diray dowladda Netherland

 Isniin, Maarso, 13, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ugu hanjabay wadanka Netherland inay ka qoomameyn doonaan dhaawaca soo gaaray xiriirka labada dal kadib markii dowlada Netherland ay u diiday dalkeeda inay soo galaan labo wasiir oo Turkish ah.

Labadan wasiir ayaa loo diiday inay qudbad u jeediyaan jaaliyada Turkiga ee ku nool dalka Netherland oo ku soo ururay qunsuliyada ku taal magaalada Rotterdam.

Dowlada Netherland ayaa sheegtay in isu soo baxaas uu halis gelin karo ammaanka dalkeeda iyadoo maalmo uun ay ka harsan tahay doorashada guud ee dalka Netherland ama Holland.

Xiriirka Turkiga iyo dhowr dal oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa xiriirkoodu u xumaaday banaanbaxyada ay dhigayaan jaaliyadaha Turkiga ee dalalkaas ku nool.

Banaanbaxyda ayaa ah mid lagu doonayo in jaaliyada Turkiga ee dalalkaas ku nool inay ka qeybqaataan aftida ah in awooda Madaxweynaha Turkiga la ballaariyo.

Madaxweyne Erdogan ayaa ku eedeeyay wadamada reer Galbeed Islam Neceyb waxana uu ku baaqay in ururada caalamiga ay ku soo rogaan cunoqabatayn dalka Netherland.

“Waxaan u malaynayay in xilligii Nazigu uu dhamaaday, laakiin waan qaldanaa waayo Nazinimada waxa ay weli ka jirtaa wadamada reer galbeedka,”ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Balse waxa uu Erdogan ammaanay dalka Faransiiska oo u oggolaaday muwaadiniinta reer Turkey in ay isku soo baxaan uuna qudbad u jeediyo Mr Cavusoglu.

Ra’iisal Wasaaraha Netherland Mark Rutte ayaa ka dalbaday Madaxweyne Erdogan inuu ka bixiyo cudurdaar isla barbardhigga uu ku sameeyay wadankiisa iyo Naziga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]