4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 12, 2017
Wasaarada Beeraha oo ka deyrisay xaalada maaliyiin ruux oo Soomaali ah oo ay haleeshay abaarta

 Axad, Maarso, 12, 2017 (HOL) – Iyadoo guud ahaanba Soomaaliya hadal heynta ugu badan tahay xaalada abaarta darran ee ka jirta qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, ayaa waxaa arintan ka hadashay wasaaarrada beeraha xukuumada Soomaaliya oo sheegtay in shan miliyan oo Soomaali ah oo la dhibaateysan xaalada abaarta.

Sii hayaha xilka wasiir ku-xigeenka beeraha Soomaaliya Cabdisiis Saalax Carmaan ayaa warbaajinta u sheegay in xaalad adag oo dhinaca nolasha ah wajahayaan maaaliyiin oo reer guura ah kuwaa oo ay ka dhamaadeen xoolihii ay dhaqanayeen iyo guud ahaanba wixii beere ah oo ay tabcanayeen.

Mar uu soo hadal qaaday doorka wasaarada ee abaarta dadka iyo duuniyada saameysay ayuu sheegay in ay socdaan dadaalo la doonayo in dadkan loogu gurmado.

Dhinaca kale, qeybo ka mid ah gobollada dhexe dalka Soomaaliya ayaa laga soo sheegayaan in ay abaarta iyo cuduro ka dhashay ugu dhinteen afar ruux isugu jira caruur iyo dad waayeel ah.

Sidoo kale QM ayaa dhinaceeda ka deyrisay abaarta ka jirta Soomaaliya taasoo keentay in todobaadkii hore uu booqasho ku yimaado Soomaaliya xoghayaha guud ee QM Antonio Guterres.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]